Qubrus: Codeynta dib u midoobista Waxa uu Mr Annan sheegey inuu rumeysanyahay in aqorshahani uu taabanayo dhammaan arimaha xudunta u ah waxayaabaha ay shicibka Qubrus ay daneenayaan. Qorshaha QM ee Mr Annan uu soo bandhigey waxa uu farayaa in labada dhinac ee Qubrus mid walba ay qabato afti ay ku kala dooraneyso iney gobolada Qubrus dib u midoobaan iyo in kale, haddi hal dhinac uu diidana qeybta Greek raacsan kaliya ayaa bisha May 1da ku biireysa Midowga Yurub. Hadalkaas oo uu Kofi Annan ku soo bandhigey qeybtii ugu dambeysey ee qorshaha qoraalka Qubrus, ayuu ku sheegey in kala xulashada reer Qubrus ay tahay iney qaataan deganaan buuxda ama nagaasho la'aan. Mareykanka Dadaalada Mr Annan uu iskudayayo inuu qorshahiisa ku qanciyo madaxda Greek, Turkish-ka iyo Qubrusiyiinta ayaa durba Mareykanku ku sheegey iney yihiin astaan leh guulo muuqata, laakiin buu yiri ninka faaladan diyaarshey, qorshaha Annan waxa uu gaarey horumar kooban. Dad badan oo ka tirsan dhinac Turkey ayaa soo dhaweeyey hindisaha Mr Annan, laakiin kuwa ka soo horjeeda ma yaro, xataa madaxweynaha qubrisiyiinta Turkey, Mr Rauf Denktash oo isagu aan ka qeybgalin wadahadalada Switzerland, ayaa sheegey inuu u ololeyn doono in aan la codeyn. Ra'iisalwasaaraha dhulweynaha Turkey, Mr Recep Tayyip Erdogan ayaa arinkan u muujiyey mid aan la bixin karin, waxana uu Mr Erdogan sheegey in waxa kaliya uu taageerayo haatan ay tahay go'aanka ah in la qabto afti dhinacyada Qubrus lagu weydiinayo iney doonayaan dib u midoobista iyo in kale. Greek Laakiin, dhinaca Greek haddii aan eegno, Ra'iisalwasaaraha dalkaas, Mr Costas Karamanlis ayaa shaaca ka qaadey inuusan taageeri karin qorshaha Mr Annan, laakiin buu yiri waxa aan talada u deynayaa shicibka Qubrus si ay iyagu u gaaraan go'aan kama dambeys ah. Iminka waxa la gaarey qeybtyii ugu adkeyd ee qorshahan, taas oo ah sidii shicibka ku nool Qubrus ee ku kala nool labada dhinac ee khadka cagaaran loo dhacsiin lahaa iney taageeraan qorshahan. Nato oo qaban kari weysey Karadzic Hawlgalka la doonayey in lagu qabto Mr Radovan Karadzic waxa uu ka dhacey magaalada ay leeyihiin Serbiyiinta Bosnia ee Pale. Askar gaareysa ilaa afratan oo ka kala socda Mareykanka, Britain iyo Talyaaniga ayaa hareereeyey guri uu lahaa nin baadariya, waxa ay askartaasi si ay gurigaas u galaan isticmaaleen waxyaabaha qarxa. Wadaad Baaderi ah iyo wiil uu dhaley oo guriga gudihiisa ku jirey ayaa qaraxyadaas dhaawc ka soo gaarey. Helikobter ay leeyihiin Miletriga jooga dhulkaas ayaa labaddaas qof u qaadey Isbitaal reydku leeyahay, xaaladda dhaawac ee labada qof lama oga inta ay leegtahay. Dad markhaatiya oo goobtaas joogey ayaa sheegey iney maqleen xabado dhacay, laakin askarta nabad ilaalinta ee Nato ma aysan xaqiijin warkaas. Karadzic Hogaamiyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia, Mr Radovan Karadzic oo maxkamadda QM ee magaalada Hague ay u goobeyso inuu galey dambiyo dagaal, lama helin. Mr Karadzic oo siddeedii sano u dambeysey dhuumaaleysi ku jirey waxa lagu eedeenayaa inuu geestey xasuuq jinsiyadeed sanooyinkii u dhaxeeyey 1992dii ilaa 1995tii. Nato si rasmi ah weerarkaas uguma aysan sharxin inuu ahaa wax lagu guuldareystey. Ciidamada Nato ee nabad ilaalinta u jooga geygaas ee S-For ayaa go'aansadey iney kordhiyaan dadaaladii ay ku goobayeen Mr Karadzic iyo taageerayaashiisa ka hor inta aysan hawshooda ku wareejin ciidamada Midowga Yurub sanadkan dhammadkiisa. Afhayeen u hadley Nato ayaa asheegey in mar walba wararka laga helo hawlgalada noocaas ah ay yihiin kuwa wax ku ool ah. Nato Laakiin waa markii saddexaad, muddo saddex bilood gudahood oo Nato ay weerar ku qaaddo magaalada Pale iyagoo ugaarsanaya Mr Karadzic. Bishii January ee nasoo dhaaftey isla kaniisaddaas ku taal Pale ayeey Nato bartilmaaeed ka dhigatey, sidii kale markaasna qofkii ay ugaarsanayeen oo ah Mr Radovan Karadzic ma aanu joogin halkaas. Mowqifka Sacudiga ee saliidda oo is-beddelay Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in saraakiisha Marerkanku ay u ololleynayeen in qaar ka mid ah xubnaha ururka OPEC ay ku dhiirrigeliyaan in ay dib uga joogsadaan qorshaha lagu dhimayo wax soo saarka saliidda ka hor intii aanuba billaaban shirkooda Vienna. Waxaa la ogsoon yahay in keydka xagga saliidda ee ugu weyn dunida uu yahay dalka Sacuudiga, wasiirka shidaalka ee Sacuudigana, waa Cali Al-Nacimi'ye, waxa uu tegay shirka OPEC ee Vienna isagoo doonaya in ururka OPEC uu xaqiijiyo qoshaha lagu dhimayo wax soo saarka saliidda ilaa hal milyan oo fuusto maalintii, taasoo ah boqolkiiba 4 wax soo saarka saliidda ee ururkaasi maalintiiba. Niyad-jab Madaxweyne Bush-ka Mareykanka ayaa ka niyad-jabay go'aankaasi lagu dhimayo wax soo saarka saliidda, laakiin wasiirka shidaalka ee Sacuudiga, Nacimi, waxa uu ku adkaystay kulankoodii Vienna kaddib in ujeeddada laga leeyaya dhimista wax soo saarka saliidda in ay tahay uun si loo gaaro deggenaansho. "waxaannu u taagannahay in la helo wax soo saar xagga saliidda ah oo la isku hallayn karo iyo sicir aanan sabbaynaynin," ayuu yiri Nacimi oo intaasi ku daray in Sacuudiga aanu doonaynin in dhaawaco dhaqaalaha dunida iyo dhaqaalaha Sacuudiga midna. Kordhinta sicirka saliidda Wasiirka shidaalka ee Sacuudiga waxa uu ahaa nin si weyn u taageersan heshiiska lagu dhimayo wax soo saarka saliidda kaasoo u muuqda in looga dan-lahaa in laga sare mariyo sicirka saliidda bartilmaameedkii rasmiga ah ee OPEC oo ahaa mid u dhexeeya 22 ilaa 28 doollar barmiilkiiba. Labo ama saddex sano ka hor, waxaa Sacuudiga loo arkayey in uu ku faraxsan yahay in sidiisa uu iska ahaado sicirka saliidda ee ilaa iyo xad macquulka ahaa. Aragtida dadka wax daraaseeya "Sacuudigu waxay bixiyaan kharash aad u badan, oo haddii ay kororto lacagta u muuqata in ay keydka ka dhiganayaanna, waxaa sidoo kale sii kordhaysa lacagta ay u baahan yihiin in ay kharash-gareeyaan, sidaas darteed waxaan filayaa in ay u baahan yihiin ugu yaraan in soddon doollar la gado fuustadii shidaal ah si ay u heli karaan lacagta u baahan yihiin in ay kharash-gareeyaan sannadkan 2004-ta," ayuu yiri Leo Drollis oo ka mid ah ragga daraasadaha sameeya oo ka tirsan xarunta daraasadda tamarta dunida ee ku taalla magaalada London, waana sababtaas ayuu leeyahay Leo sababta ay Sacuudigu u beddeleen ra'yigoodii. Is-beddelka ku dhacay mowqifka Sacuudiga waa mid muuqda oo isla markaana aanay soo dhoweynaynin waddamada shidaalka soo iibsada. Qareen difaaci doona Saddaam Xusseen Jacques Verges oo ah Qareenka Fransiis ah ee la filayo in uu difaaco Saddaam Xusseen ayaa ku caan baxay in uu xiriir wanaagsan la lahaa madaxda adduunka ugu macagagsan. Mudadii dheereed ee uu qareenkan shaqeenayay ayaa waxaa uu difaacay Klaus Barbie oo lagu eedeeyay in uu galay danbiyo ka dhan ah dagaal kana tirsanaa xisibiga Naziga ee Jarmalka iyo Carlos The Jackal. Waxuuna qareenku sheegay in xataa uu matalay hogaamiyihii hore dalka Yugoslavia, Slobodan Milosevic. Mr. Verges oo todobaatan iyo sagaal jir ah ayaa la sheegay in uu saaxiib la ahaa hogaamiyihii Khmer Rouge, Pol Pot ee ka danbeeyay xasuuqii dalka Cambodia. Howlihii xasaasiga ahaa ee uu soo qabtay qareenkan ayaa waxaa loogu bixiyay neynaasta ah, ''qareenkii sheydaanka''. Qareenku waxaa kale oo uu sheegay in uu difaaci doono Ra'iisal Wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, Taariq Caziiz. Waxaa kale oo uu qareenku aqbalay in sidoo kale uu difaaci doono xataa ka hor, inta aan go'aan laga gaarin faafaahinta la xiriirta eedeymaha lagu soo oogayo Saddaam Xuseen iyo goorta iyo halka lagu maxkamadeynayo. Eedeymaha lagu oogayo Saddaam Xuseen waxaa ku jiri doono xasuuq iyo danbiyo ka dhan ah bani'aadaninimada. Wariyaha BBCda, Hugh Schofield ayaa sheegaya in aysan u aheyn wax la la yaabo dadka keysas Mr. Verges la socoday kontonkii sanadood ee la soo dhaafay iyo in uu qaato keyska Saddaam Xuseen oo ah mid xasaasi ah, iyadoo uu ninkani uu shaqo ka dhigtay noloshadiisa oo dhan in uu ku jiro difaacida dad aad iyo aad loo jecleyn. Taariikh nololeedkii suxufi Alistair Cooke Alistair Cooke oo ahaa suxufi weyne oo u dhashay dalkan Britain, oo ay ka badan konton sanadoodna malaayiin dhageystayaal ah oo ku nool dunida daafaheeda ay dhageysan jireen barnaamijkiisa gaarka ah ee todobaadlaha ahaa ee '' Letter from Amirica ayaa geeriyooday, isagoo jira sagaashan iyo shan sanadood. Barnaamijkiisa Letter From America ayaa ahaa barnaamijkii ugu dheeraa dunida oo dhan. Alistair Cooke barnaamijkiisa waxaa uu waday ilaa iyo inta uu ka gaaray da'da sagaashameeyada. Waxuuna ugu danbeyntii shaqada ka fariistay isaga oo jira sagaashan iyo shan sanadood. Wax yar ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka, sanadkii 1946dii ayaa Alistair Cooke waxaa uu soo saaray barnaamijkiisii ugu horeeyay oo markaa lagu magacaabi jiray, ''American Letter''. Waxaa u muuqatay Alistair Cooke in barnaamijkaa uu noqodo waraaq uu todobaadkiiba mar uu u soo diro muwaadin British oo fadhiya gurigiisa dhexdiisa oo uu u shidan yahay dab uu kulaalo. Waraaqduna ay qofkaas u sharaxdo dadka Mareykanka iyo meelaha ku jira wararka idaacada. BBCda ayaa barnaamijkaa dalabtay in loo sameeyo muddo seddex iyo toban todobaad ah. Ugu danbeyntii barnaamijkaa oo mar danbe loo bixiyay Letter From America ayaa waxaa uu socoday konton iyo sideed sanadood, isaga oo noqday barnaamijkii ugu dheeraa ee dunida oo dhan oo ay idaacadi sameyso. Codka iyo qaabka degan ee Mr. Cooke uu barnaamijkiisa u sameyn jiray ayaa dhageystayaal badan waxay kala socodeen faalooyin uu ka qoray dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dunida soo mara dagaalka ka dib oo ay ka mid ahaayeen mashaakiilkii ka dhashay gantaaladii Kuuba, Vietnam iyo fadeexadii Watergate. Alistair Cooke waa uu ka heer sareeyeey qof sheeko xariiro macaan, marka la fiiriyo xirfadii uu erayada u adeegsan jiray iyo qaabkii isaga u gaarka ahaa. Fariintii uu u soo gudbiyay dhageystayaasha markii uu shaqada ka fariisanayay ayaa waxay aheyd,'' waad ku mahadsan tihiin dhageystayaal sida aad u aheydeen rukunka joogto ah.'' Alistair Cooke waxaa uu markii horay uu dagay dalka Mareykanka sanadkii sodomeeyadii, isagoo markaa wariye u ahaa wargeysyada dalkan Britain. Waxaa kale uu uu sameeyay barnaamijyo taxane ah oo xagga telefishinka ah oo ku saabsan Mareykanka, waxaa sidoo kale oo uu qoray dhowr buug, waxuuna sidoo kale radiyaha ka soo jeedin jiray barnaamij taxana ah oo ku saabsan musiga uu aadka u jeclaa ee Jazz. Iyadoo la muujinayo meeqaamka uu ku lahaa labada dal ee Mareykanka iyo Britain ayaa sanadkii 1973dii waxay dowladda Britain gudoonsiisay abaalmarin weyn oo sharaf ah. Sanad ka dibna waxaa lagu casumay in uu hadal ka jeediyay aqalka cad markii uu labo qari jirsaday. Spain: Dowladdii Aznar oo la ridey Xisbiga mucaaradka ee hantiwadaagga ayaa ku guuleystey doorasahadii Spain oo dadku ka soo horjeesteen xisbiga Aznar. La filawaa Todobaad ka hor cidina ma saadin karin in doorashadani ay u dhici karto sida ay haatan u dhacdey. Xibiga Hantiwadaagga Doorashadani waxa ay guul weyn u ahayd xisbiga Hantiwadaagga, waxana ay jab weyn u ahaydxisbiga talada haya ee Ra'iisalwasaare Aznar. Saameynta Qaraxyadii Khamiista Qaraxyadii bambaano ee dalka Spain lagu qaadey Khamiistii waxa ay u geysatey wax ka badan argagax, waxana ay qaraxyadaasi muujiyeen iney noqdeen kuwa saameyn muuqata ku yeeshey doorashooyinka Spain. Zapatero Hogaamiyaha xisbiga Hantiwadaagga ee doorashada Spain ku badiyey, Jose Luis Rodriguez Zapatero ayaa sheegey in marka uu qabto xafiiska Ra'iisalwasaaranimada uu mudnaanta koobaad siin doono xakameynta argagixisada, nooc kaasta ooy leedahyba. Laakiin waxa ay u badantahay in Mr Zapatero uu hawshiisa la dagaalanka argagixisada u wajiho si ka duwan habkii ay u wadey dowladda xukunka laga tuurey. Mr Zapatero waxa uu hormood ka ahaa xooggagii iyo siyaasiinta reer Spain ee sida weyn uga soop horjeedey dagaalka Mareykanku hor moodka ka yahay ee Ciraaq lagu qaadey, iminka oo uu awoodda dalka gacabnta ku dhigeyna waxa suurtgal ah inuu dalbado in ciidamada Spain haatan ka jooga Ciraaq laga soo saaro waddankaas. Isbedelka qaraxyadu dhalsheen Isbedelkan dambe ee qaraxyada Spain ay ku abuureen maskaxda shicibka Spain oo dadku ugu codeeyeen xisbiga Hantiwadaagga ayaa iyaduna dhibkeeda wadata. Haddii ay al-Qaeda masuul ka ahayd weeraradii bambaano ee Spain lala beegsadey Khamiistii, waxa markaasi xaalku u muuqdaa iney saammeyn ku yeelatey bedalista dowladdii waddankaasi oo ka mid aheyd dowladaha hormoodka u ah dimoqraadiyadda reer galbeedka. Taariikh nololeedkii Cabdimajiid Xuseen. Allaha u naxariistee Cabdimajiid Xuseen oo ahaa Danjiraha Ethiopia u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York ayaa xalay ku geeriyooday Addis Ababa. Cabdimajiid Xuseen xalay ayaa isaga oo koma ku jira la keenay magaalada Addis Ababa, waxaana garoonka dayaaradaha markii laga soo dejinayay goob joog ka ahaa oo uga hortegey, Raiisal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi. Saaka aroortii ayuu naf baxay, waxaana isla maanta meydkiisa la geeyey laguna aasay magaalada Diri Dhaba, oo ah magaaladii uu ku dhashay sannadkii 1943-dii. Cabdmajiid meydkiisa waxaa ilaa Diri Dhawa sii gelbiyey wasiirro dhowr ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Seyoum Mesfin. Waxaa kale oo aaskiisa ka qeyb galay masuuliyiinta Isdmaamulka Soomaalida oo uu Madaxweynuhu hoggaaminayo iyo dadweyne fara badan. Cabdimajiid waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee Ethiopia ee qaddarinta iyo awooddaba ku leh jaangoynta siyaasadda dalka. Waxaa uu soo qabtay jagooyin ay ka mid ahaayeen wasiirka Xiriirka dhaqaalaha dibadda iyo wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta. Waxaa uu ka mid ahaa asaasayaashii Xisbiga Dimuqraaddiga shacabka soomaalida, oo ka tliya kililka shanaad, isla markaana waxaa uu ahaa guddoomyihii ugu horreeyey ee xisbigaas. Cabdimajiid Xuseen, waxaa uu sannadkii 1996 ka badbaaday isku day la damcay in la dilo, waxaana lagu soo daweeyey dalka Israel, ka dib markii lix xabbadood lagala helay garbka, qoorta iyo caloosha. Waxaa uu ka qalin jebiyey Jaamacadda addis Ababa, halkaas oo uu ka mid ahaa ardeyda xagga siyaasadda firfircoon, isaga oo Guddoomiye ku xigeen ka gaaray Guddiga ardeyda Jaamacadda Addis Ababa. Ka dibna waxaa uu wax ku bartay dalka Britain. Cabdmajiid Xuseen, intii aanuu ku biirin dowladda hadda ka talisa dalka Ethiopia, waxaa uu la soo shaqeeyey QM. Cabdmajiid Xuseen waxaa uu lahaa xaas iyo carruur. Xaliim Khaliif Magool oo geeriyootay Xaliimo Khaliif Cumar Magool ayaa ku geeriyootay magaalada Amestardam ee dalka Nietherlands. Allaha u naxariitee, Xaliimo Khaliif Magool waxay ka mid aheyd fanaaniinta Soomaaliya ugu caasan, waxayna fanka ku soo biirtay lixdameeyadii. Xaliimo Khaliif waxay fanka ku dhex jirtay muddo dheer, waxayna wax ka matashay ruwaayado badan, waxayna qaaday heeso badan oo bulshada Soomaalida dhexdeeda aad looga yaqaano. Alla u naxariirtee, Magool waxay muddadii danbe ku nooleyd magaalada Muqdishu, halkaasi oo ay markii ugu danbeysay ay BBCda wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ku siisay. Waxayna sheegtay Xaliimo Khaliif, Allaha u naxariistee, in ay fanka ka bilowday magaalada Hargeysa, halkaasna loogu bixiyay magac faneedkeeda Magool. Magacaas oo uu ku jiray sida ay sheegtay hees uu allifay Yusuf Xaaji Aden. Magool waxay qaaday heeso badan oo isugu jira wadani, jaceyl iyo nabi amaan. Wadamada heesaheeda aadka looga dhageesto waxaa ka mid ah dalalka dariska ah gaar ahaan dalka Sudan. Magool waxay sidoo kale ku heystay heeso carabi ah oo ay ka mid tahay heesta Sudaaniga ee la yiraahdo Asbaxa Subxi ama Waabaa Baryay. Yaraanteedii waxaa ay isguursadeen Janeraal Maxamed Nuur Galaal, ka dibna ay kala tageen. Sida ay Magool sheegtay heeso badan oo jacel ah waxaaay u qaaday Jeneraal Galaal. Xaliimo Khaliif waxay xanuunsaneyd in muddo ah, haddana safarkan Yurub waxay u aaday arrimo caafimaad iyo arrimo fanneed intaba sida ay u sheegtay Yusuf Xassan oo ku wareystay Muqdisho, waxay kale oo ay u sheegtay BBCda in ay dooneyso in ay Yurub aado oo ay isku soo daaweyso, ka dibna ay u go'do qaadida heesaha diiniga iyo Nabi Amaanka ah. Xaliimo Khaliif Allaha u naxariistee waxa caruura oo ay dhashay ifka kaga aysan tagin. Qisadii lagu qabtey Saddam Hussein Saddam Hussein siddeed bilood oo dhan ayuu si weyn uga dhuuntey goobistii xooganeed ee isga lagu raadinayey, ka hor intii aan la qabanin. Waxa uu Saddam ku dhuuntey aag ku yaal magaalada Tikrit ee reerkiisu u badan yahay, isagoo mar mar meelaha ku mari jirey takaasi bur-bursan. Dukumintiyo iyo sawiro ay ciidamada sirdoonka ee Isbaheysigu ka heleen meel ka mid ah goobihii ay weerareen xagaagii hore ayaa Mareykanka u ogolaatey iney baaritaankii ay ugu jireen Saddam ku soo ururshaan koox aan aad loo aqoonin oo ilaalo ah oo ku wareegsaneyd Saddam Hussein. Markaas ka dib, Mareykanku waxa ay bilaabeen iney sawiradii ay hayeen magacyo ku goobaan, taasoo baaritaankii ku soo koobtey dad tiro yar. Meelihii la baarey Aqaladii lagu tuhunsanaa in lagu dhuuman karo ayaa si naxariis-darro ah loo weerarey. Waxana guryahaas qaarkood laga heley hub iyo waxyaabaha qarxa iyo weliba lacag. Nimanka ilaalinayey Saddam ayaa door laxaad leh ka qaadanayey iska caabinta looga soo horjeedey ciidamada Isbaheysiga. al-Muslet Ugu dambeyn, baaritaankii Mareykanku waxa uu iskugu soo ururey ninka la yiraa Mohammed Ibrahim Omar al-Muslet. Ninkaas oo jago muhiim ah ka hayey ciidamada ammaanka ee Saddam Ilaalinayey, islamarkaana awood ku lahaa ciidamada Fedayeenta. Al-Muslet waxa lagu qabtey weerar lagu qaadey aqal ku yaal Baqdaad oo uu joogey, bishii December ee kal hore 12dii. Markii su'aalo isdaba joog ah oo lagu gun baarayo lagu qarqiyey ayaa lagu qanciyey Al-Muslet inuu hadlo. Isla saacado gudahood ayuu al-Muslet uu ciidamada Mareykanka uu hor kacey oo uu soo tusey gudkii uu Saddam ku dhuumanayey ee ku yiil duleedka magaalada Tikrit. Tobannaan sano ayuu Saddam Hussein ku tiirsanaa oo ku jirey maganta ciidan isku duuban oo aad u hubeysna oo daacad u ah, laakiin aakhirataankii mid ka mid ah raggiisii ayaa daacad-darro u muujiyey oo sababey in la qabto. Suuriyiin la sheegey in lagu diley Ciraaq Koox u doodda xuquuqda aadamaha oo joogta Syria ayaa soo daabacdey magacyada dad ay ku sifeysey 'shuhadada Ciraaq'. Syria Sida uu sheegey hadal ay soo saartey bulshada xuquuqda aadamaha ee joogta Syria, toban nin oo Suuriyan ah ayaa la diley markii ay taariikhdu ahayd 10kii iyo 11kii bishii April ee sanadkii hore, wax yar ka dib markii ay ciidamada Mareykanku ay galeen caasimadda Ciraaq ee Baqdaad. Al-Benni Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda xuquuqda aadamaha, Anwar Al-Benni ayaa laanta Af Carabiga ee BBC-da u sheegey in kooxdiisu ay la hadashey eheladii iyo saaxiibadii nimanka la diley. Mr Al-Benni waxa uu sheegey in wax la wada ogyahay ay ahayd in dad tabaruciin ah oo Suuriya u dhashey ay iska wax u qabso ku joogeen Ciraaq. Waxa uu Al-Benni intaas ku darey, Suuriyiin badan ayaa qabey dareenka ah in xil uu ka saaranyahay iney la dagaalamaan weerarka Mareykanku ku qabsadey Ciraaq. Ciraaq Waxa uu Al-Benni yiri, qaar badan oo ka mid ah Suuriyiintaas ayaa mare hore tagey Ciraaq, si ay u taageeraan ciidamada Ciraaq. Mr Al-Benni waxa kale uu sheegey in dadkaasi Suuriyiinta ee Ciraaq tagey ay iskugu jireen qaar Suuriya ku soo laabtey iyagoo nool, qaar dagaalkii ku dhintey oo meydadkoodii la soo celshey iyo kuwa ilaa maanta jooga Ciraaq. Nuinka faaladani soo diyaareshey waxa uu is-weydiiyey, taasi ma waxa ay ka dhigantahay in Suuriyiinta Ciraaq ka dagaalamayey ay halkaas ku tageen raali ahaansho ay ka heysteen dowladda Syria? Mutadawaciin Waxa wariyuhu iskugu jawaabey, taasi waa su'aal furan. Laakiin buu yiri waxa aan muran ka taagneyn iney Suuriyiinta Ciraaq tagety ay qeyb ka ahaayeen mutadawiciin badan oo Carbeed oo Ciraaq galey wakhtigii uu dagaalku socdey. Ururka Mr Al-Benni oo u ololeeya xuquuqda aadamuhu waxa ay doonayaan in Mareykanku uu soo bandhigo wax alla wixii war ah ee uu ka hayo halka ay ku dambeeyeen Suuriyiin badan oo mutadawaciinimo ku tagey Ciraaq. France: Xisbiga Chirac oo laga badshey Madaexweyne Jacques Chirac weli wuu sheegan karaa inuu madaxweyne ka yahay France, laakiin gobolada dalkaasi intooda badan waxa ay haatan gacanta ugu jiraan xisbiga mucaaradka ee Shuuciga ee dalka France. Xisbiga shuuciga ayaa sheegtey iney heleen in ka badan kala bar kuraastii gobolada dalka, taasoo xisbiga Midig Dhexe ee UMP ee madaxweyne Chirac gacantooda ku reebtey hal kaliya lix iyo laabatanka gobol ee dalkaasi leeyahay. Ujeedada shicibka France Dadka Fransiisku waxa ay doorashooyinkan maxaliga ah u isticmaaleen iney ku muujiyaan carada weyn ee ay u qabaan dowladda qaran. Maxaa khaldamey? Tan iyo markii xisbiga Madaxweyne Chirac uu cod aad u sareeya kula wareegey awoodda dalka; laba sano ka hor, waxa waddanka France ku soo badtey tirada dadka aan shaqada heysan, dhaqaalihii dalkuna mid fadhiid ah ayuu noqdey, sidoo kale dowladda Chirac waxa ay la timid dib u habeynno dhaqaale oo shicibka u cuntami waayey. Arimahaas oo dhan waxa ay sababeen in dalaka France gabi ahaan ay ka dhacaan mudaaharaadyo laxaad leh oo dowladda ka dhan. Natiijooyinka doorashooyinka, waxa ay fariin cad u dirayaan taageerayaasha xisbiga UMP ee madaxweyne Chirac. Xisbiga Midig Xisbiga dhinaca midig u fog ayaa ku guuldareystey inuu gacanta ku dhigo taageeradii markii hore la saadiyey inuu heli doono, waxana uu heley %13 kaliya, codadkii la dhiibtey. Laakiin wajigabaxa ugu weyn waxa uu Madexweyne Chirac uga yimid markii gobolka Poitou-Charentes oo ah gobolka uu ka yimid Ra'iisalwasaaraha dowladda Chirac, Mr Jean-Pierre Raffarinlooga guuleystey xisbiga Madexweyne Chirac. Waxa la hadda filayaa in madaxweyne Chirac uu tixgaliyo carada ay shicibka France ay muujiyeen oo uu isku shaandheeyo golihiisa wasiirada, taasoo ay suurtgaltahay in Ra'iisalwasaare Raffarin uu shaqadiisa halkaas ku waayo. Koofurta Korea oo weli kacsan Sii haya hogaanka dalka Koonfurta Korea ayaa dalbey deganaasho, ka dib markii madaxweyne Moo-Hyun xilkii lga xayuubiyey. Roh Moo-Hyun Shicibka Koonfurta Korea waxa ay la wareereen codkii kalsoonida ee madaexweyne Roh Moo-Hyun Jimcihii jagada looga qaadey, isagoo xafiiska joogey hal sano oo kaliya oo ka mid ah shantii sano ee loo doortey inuu madaxweynaha ahaado. Afti dadka laga qaadey ayaa tusmeeneysa in %70 shicibka Koonfurta Korea ay ka soo horjeedaan tallaabada madaweyne Moo-Hyun loogala noqdey kalsoonida. Shicibka Qaar badan oo ka mid ah shicibka Koonfurta Korea ayaa rumeysan in waxyaabaha lagu eedeeyey madaxweyne Roh oo ay ka mid yihiin inuu jabshey shuruucda u dhigan doorashooyinka ay yihiin kuwa malaayacne ah oon istaahilin in madaxweyne Roh loogu qaado codka kalsoonida. Qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Roh Moo-Hyun ayaa codbixintii Baarlamanka Qaran laga qabtey ku fasirey iney ahayd inqilaab lagula kacey Mr Roh. Mudaaharaadyo Kumanaan qof ayaa waddanka ka sameeyey mudaaharaadyo looga soo hor jeedo codkii kalsoonida loogala noqdey Madaxweeyne Roh, waxana la qorsheeyey in bannaanbaxyo kale oo Madexweyne Roh lagu taageerayo Sabtida laga qabto dalka. Ra'iisalwasaaraha Koonfurta Korea, Goh Kun ayaa la wareegey jagadii Madaxweyninimada, waxana uu xafiiska sii hayn doonaa ilaa inta Maxakamadda Dastuurku ay go'aan ka gaareyso in codka kalsoonida loogala noqdey Madaxweyne Roh Moo-Hyun ay tahay mid sharciga waafiqsan iyo in kale. Goh Kun Ra'iisalwasaare Kun oo ka hadley Telefeshanka ayaa shicibka ugu baaqey iney deganaasho muujiyaan, sidoo kale Mr Kun waxa uu maxakamadda dastuurka ku booriyey iney xukunkeeda u gaarto sida ugu dhkhsaha badan ee suurgal ah. Waxa uu Ra'isalwasaare Kun ku ballanqaadey inuu sii wadi doono siyaasadaha dhaqaale iyo kuwa arimaha dibadda ee haatan ay ku dhaqanto Koonfurta Korea. Dowladda Koonfurta Korea waxa ay kordhisey foojignaanta ay ku ilaalineyso xudduudaheeda, taas oo looga dan leeyahay in waddanka lagu difaaco haddii dowladda Hantiwadaagga ah ee Korea-da Woqooyi ay iskudaydo iney ka faa'iideysato mashaakilka hadda ka jira koonfurta Korea. Wasiirka Gaashaandhigga Wasiirka Gaashaandhiga Koonfurta Korea ayaa wada-xaajood la yeeshey hogaamiyaha ciidamada Mareykanka halkaas ka jooga. Mareykanka waxa weli xudduudda labada Korea uu ku haya cutubyo ciidanka dhulka ah. Dad badan ayaa rumeysan in aakhirataanka ay Maxkamadda Dastuurku ay Madaxweyne Roh Moo-Hyun ku soo celin doonto jagadiisa. Mase kale cadda in Maxakamaddu ay xukunkeeda ridi doonto inta ka horeysa doorashooyinka guud ee loo qabanayo baaralamanka qaran oo dhici doonta bartamaha bisha April ee soo socota. Taariikhda dagaalyahanimada Ciraaq Waxa qoraagaasi uu yiri markii la eego gobolkan oo dhan, Ciraaqiyiintu waa dadka ugu ba'an ee ugu hororsan ee wax weerara. Waxa taasi ay tixraac u tahay oo qoraagu ula jeedey aragtida Carbta ee tusmeeneysa doorka dagaalyahnnimo ee ninka Ciraaqiga ah. Kuwa rumeysan in Ciraaq ay tahay dhul horey loogu gubtey waxa ay soo qataan taariikhdii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Ciraaq. Islam Bilowgii taariikhda Islaamka waxa la sheegey in Ciraaq ay ahayd bartii Islaamka oo markaas soo korayey ay Muslimiinta ku dhexmartey mucaaradii ugu weyneed oo Muslimiinta u kala jabeen Sunni iyo Shiica. Sheekooyinkaas waxa ku dheehnaa dhiig iyo kala aamin bixid badan oo muslimiinta barigaas dhex martey, taas oo Ciraaq ay ugu baxdey magac ah iney tahay dhul nashaad badan laakiin dadkeedu uu yahay shicib kulul oo aan si fududu loo xakameyn karin. Sida arimaha ka dhacayey Ciraaq sanadkii na soo dhaafey ay tusmeenayaan, dagaalka nabadda lagu raadinayo waxa aad uga sahlanaa in dagaalka lagu guuleysto. Qaar ka mid ah mashaakilka haatan heysta isbaheysiga Ciraaq ku duuley waxa ka mid ah iyadoo kuwa Ciraaq ku duuley aysan si fiican u fahmin dhaqanka Ciraaqiyiinta ee sida yaabka leh iskugu jira, wax dadku qof qof u rumeysan yahay iyo muxaafdnimada diineed iyo weliba qiimaha qabiilku ku leeyahay shicibka Ciraaq. Xaalku ma noqon sidii loo saadinayey dagaalka ka hor oo Ciraaq kumannaan uma soo bixin iygoo taageero u muujinaya ciidamada dalkooda ku soo duuley. Ciraaq iyo Maanta Ninka faaladani diyaarshey waxa uu leeyahay, maanta Ciraaqiyiinta intooda badan marka aad wareysato waxa ay kuu sheegayaan ineysan Saddam Hussein jecleyn, laakiin waxa markiiba ay daba dhigayaan sidoo kale ineysan rabin ciidamada dalkooda qabsadey. Amuurta ka taagan Ciraaq waxa ay noqotey mixnad aan si fudud loo xalin karin. Dhab ahaantii waa aragti is-khilaafsan oo ku saleysan in duulaan lagu xoreeyo waddan. Deganaasha la'aanta Ciraaq ka socota inteeda badan waxa lagu eedeeyaa ajaanib Saddam u dagaalamey, laakiin waxa jira cadeymo badan oo ka marag kacaya in ugu yaraan qaar ka mid ah weeerarada loo geestey askarta Mareykanku ay yihiin kuwa ka dhashey caro qabiil ku saleysan oo ay geesteen dad Ciraaqiyin ah. Ka hadalka waxbarashada Soomaalida Kenya Shirkan oo ujeedadiisa ugu weyn ay ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa tacliinta gobolka Soomalida ee dalka Kenya ayaa waxaa si aad ah loogu lafa-guray dhibaatada haysata waxbarashada Soomaalida Kenya. Waxaa intii uu socdal kulankaasi sidoo kale la isku afgartay in ay jiraan sababo qaas ah oo keenay hoos u dhaca tacliinta Soomaalida. Yaa leh eedda? Mudanayaasha Soomalida ee baarlamaanka Kenya ku jira qaarkood ayaa waxay eedda dusha ka saareen dowlada oo aan xil weyn iska saarin waxbarashada, gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu degto. Maxamed Yusuf Xaaji oo ka mid ah xisbiga mucaaradka ee KANU ayaa wuxuu sheegay in arrintan ay sabab u tahay xiriir la'aanta dowladda iyo gobolka Soomaalida. Canaanta dowladda Xilibaan Cabdiraxmaan Cali Xassan ayaa isagana si aad ah canaan dusha uga saaray dowladda, waxa uuna sheegay in waxbarashada gobolka aysan dowladdu ku bixinin dhaqaale ku filan, taasoo qeyb ka ah tacliinta gobolka oo ka liidata waddanka intiisa kale. Mudane Colow waxaa kaloo uu ka hadlay in nidaamka cusub ee waxbarashada lacag-la'aanta ah ee dowladdu ay billowday aysan ka faa'idaysan Soomaalida Kenya. Waxbarashada gabdhaha Qodobbada sida aadka ah loo lafa guray waxaa kaloo ka mid ahaa tacliinta gabdhaha Soomaalida oo si aad ah u hooseysa iyo waliba qodobbo xiiso lahaa oo ku saabsanaa gabdhaha iskuulka looga saaro sababo guur awgood. Hay'adda UNICEFoo iyadu kulankan kaalin xoog leh ka qaadatay ayaa wakiilkeeda waxbarashada ee Kenya, Mr Kamaaludiin waxa uu ka warramay waxqabadka Unicef iyo kaalinta ay ka geysato tacliinta Kenya gaar ahaan gobolka Soomaalida. Aragti is-weydaarsi Waxaa kaloo doodo waaweyn ay dhexmareen wufuuddii shirkan isugu timid oo ay ka mid ahaayeen culumaa'uddiin, siyaasiyiin, hay'adaha samafalka, ururrada bulshada, haweenka iyo waliba duqey laga soo kala xulay dhammaan degmooyinka gobolka Waqooyi-bari ee Kenya. Xubnaha wafdigani ka socday dowladda ee jooga kulankan waxay kaloo ka hadleen imtixaanaadka dugsiyada hoose iyo kuwa dugsiga sare ee dhulka Soomaalida iyo kaalinta waxbarasho ee ardada Soomaalida ay kaga jiraan jaamacadaha dalka Kenya. Ballanqaadka dowladda Wasiir ku xigeen wasaaradda horumarinta xoolaha iyo kalluumeysiga ee Kenya, Maxamed Axmed Khaliif, ayaa waxa uu kulanka ka sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay horumarinta tacliinta gobolka Soomaalida. Si kastoo ay ahaataba, shirkan waxa uu u muuqday inuu ka duwanaa shirarkii hore, waxaana hadda muuqata in culays weyn la saarayo ka hadalka tacliinta Soomaalida Kenya oo muddo badan aad u hooseysay. Ergada Soomaalida oo ansixisay heshiiskii Nairobi Waxaa gelinkii dambe ee maanta xarunta Mbagathi ee duleedka magaalada Nairobi lagu ansixiyey is-beddelkii lagu sameeyey axdiga KMG ah ee ay ku dhaqmi doonto dowladda la sameyn doono shanta sano ee soo socota. Xafladdaasi lagu ansixiyey heshiiskii hotel Safari ay ku gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed 29-kii bishii hore waxaa uu qodobka ugu weyn ee dadka qaar ka murmayeen uu ahaa qodobka soddonaad ee heshiiska oo ka hadlay habka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka ee ay dowladda soo socota yeelan doonto. Waa maxay qodobka 30-aad? Qodobkani 30-aad waxa uu qorayaa waxaa golaha shacabka soo xulaya hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee jilib, jufo-hoosaadyada beelaha oo lagu martiqaaday shirkii wada tashiga ee Nairobi ee billowday 9-kii bishii Jannaayo, kuwaasoo ka kooban dowladda KMG ah, Golaha samatabixinta, golaha SRRC-da, maamul-goboleedyada jira, kooxda siddeedda ah iyo ururrada bulshada rayidka ah, waana in hoggaamiyeyaasha dhaqanka rasmiga ah ee beeluhu ay ansixiyaan. Haddaba, hoggaamiyeyaasha ay ka mid ahaayeen Colonel Cabdullaahi Yuusuf iyo Salaad Cali Jeelle oo ka socda maamulka Jowhar ayaa ku cel-celiyey in la caddeeyo cidda ay yihiin hoggaamiyeyaasha, iyagoo gaar ahaanna farta ku fiiqay in tirada hoggaamiyeyaasha laga kordhiyey sidii ay ahaayeen xilligii Eldoret. Codsiga Cabdullaahi Yuusuf Cabdullaahi Yuusuf waxa kaloo uu codsaday in dhammaan dowladaha IGAD la wada keeno shirka inta aanan loo gudbin xulidda baarlamaanka, isagoo ka dhawaajiyey in aanay Soomaaliya u baahnayn dowlad qash-qashaad kale ku keenta wixii loo asaaso Soomaalida, taasoo ay cid kasta garatay wixii uu ula jeeday. Ergayga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Mr Bethuel Kiplagat, ayaa dhowr jeer ka jawaabay su'aalahooda isagoo soo xusay in ergada Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen 15-kii Septembar ee sannadkii hore in la ansixiyey axdiga, haatanna waxa la doonayo ay tahay oo keliya is-beddelkii yaraa ee lagu sameeyey, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ku boorriyey in aanu aayaha Soomaaliyeed cidna u afduubnaanin. Dowladda Kenya Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Kenya, Moses Watangula, oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey ee meesha ayaa isaguna ka codsaday Soomaalida in ay dalkooda iyo dadkooda u daneeyaan oo ay iska daayaan rabitaanka shakhsiga ah. Markii ugu horreysayba guddoonka ergooyinka oo ay ka mid ahaayeen Shariif Saalax, Xasan Abshir, Xuseen Caydiid iyo Mowliid Macaani ayaa markii ugu horreysayba caddeeyey sida ay u taageersan yihiin heshiiska iyo in ay tahay in loo gudbo wejiga saddexaad. Fursadda ergada ka siiyey Waxaa waxooga waqti ah la siiyey qaar ka mid ah ergada oo iyaguna fikradahooda halkaasi ka soo bandhigay, kuwaasoo Maxamed Qanyare oo ka mid ahaa uu codsaday in aanan hal qodob loo xayirin ummadda oo dhan, haddiise laga maarmi waayo ay tahay in guddi loo saaro. Ugu dambayntii wasiir-xigeenka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa codsaday in la taageero in loo gudbo wejiga saddexaad, taasoo ay inta badan dadkii u sare kaceen, laakiin Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo koox taageersan ayaanan u sare joogsan, hase ahaatee halkaasi ayaa looga dhawaaqay in uu sidaasi ku ansaxay heshiiskii hotel Safari Park ee 29-kii bishii hore. Ma diidmo dhab ah baa? Cabdullaahi Yuusuf nafsad ahaantiisa hadalladiisa kama muuqan wax diidmo weyn, wuxuuse muujinayey in uu jiro khalad Soomaalida loogu sameynayo hoggaamiyeyaal cusub. Si kastaba ha ahaatee, waxay ergadii shirka ee Mbagathi ka soo baxeen hall-kii shirka iyagoo faraxsan, gacmaha is-haysta oo heesaya, laakiin lama oga weli waxa uu Cabdullaahi Yuusuf yeeli doono, bal inuu taageero aqlabiyadda iyo in kale. Yaa kale oo ka qeybgalay shirka? Xafladdaasi galabta lagu ansixiyey heshiiska waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha IGAD, Midowga Yurub, iyo waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya sida Talyaaniga iyo qaar kale. Waxaa sidoo kale joogay ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mr Winston Tubman.