Ciraaq: Weerarkii Falluja oo la hakiyey Hadalkaasi waxa uu soo baxey iyadoo maamulaha reydka ee Mareykanka u jooga Ciraaq Mr Paul Bremer uu subaxnimadii Jimcaha uu ku dhawaaqey in weerardii Mareykanku ka wadeen Falluja la joojiye sababtuna ay ahayd in la doonayey in lala xaajoodo dagaalyahanada mucaaradka. Waxa dhacdooyinkaas oo dhan iska daba imaanayaan iyadoo wakhtiyo isku dhow dhow ay isku bedelayaan wararka ka soo baxaya Ciraaq. Intii aan haddaba lagu dhawaaqin in weerakii ciidamada isbaheysigu uu dib u bilaabmey, waxa uu Mr Bremer uu sheegey in ujeedada loo joojinayey dagaalka ay ahayd si wadaxaajood loola galo dagaalyahanada oo ay u suurgasho in gargaarka la gaarsiiyo kuwa u baahan. Dhinaca kale Iyadoo hal sano ka soo waregtey markii Saddam la ridey ayuu Mareykanku meelo kala duwan oo Ciraaq ah uu haatan dagaal kula jira Suniyiinta iyo Shiicada Ciraaq. Mareykanka dhintey Habeenkii Jimcuhu soo galayey waxa ay ciidamada Mareykanku warbixin ku baxsheen in 40 askari ay kaga dhinteen dagaallo kala duwan oo todobaadkan ay ku galeen Ciraaq. Magaalada Faluja ee ku taal galbeedka Baqdaad, waxa Mareykanku sheegeen iney kala kulmeen mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee ay u adeegsadeen dayuurado halkaas ku hurgufey hub aad u culus. Masjid lagu dagaalamey Meelaha dagaalada ba'an ay ka dhaceen waxa ka mid ah aag uu Masjid ku yaaley, waxa wararku sheegayaan in magaalada Falluja oo kaliya ay ku dhinteen dad gaaraya 300 oo qof. Aaga kale oo ku yaalla koonfurta Ciraaq ayaa dagaalyahanada Shiicadu ay gacanta ku hayaan magaalooyinka Qut, Kufa iyo Najaf. Karbala Iyadoo ay todobaadkan dhammaadkiisa ay jirto munaasabad weyn oo Shiicadu leedahay ayaa waxa loolan adag loogu jiraa gacan ku heynta magaalada bararkeysan ee Karbala. Dhacdo kalena koox dagaalyahanno ah ayaa afduubtey saddex qof oo reyd ah oo u dhashey Japan iyo hal qof oo Canadian ah iyo weliba laba nin oo Falastiiniyiin ah oo sida la sheegey watey waraaqo aqoonsi oo Israa'iiliya. Sidoo kale nin Britsh ah oo la weysanyhay ayaa laga cabsi qabaa in isagana la afduubey. Koox isku magacwdey Guutada Mujaahidiinta ayaa ku hanjabey iney dili doonaan saddexda Japaneska, haddii ay dowladda Japan ayasn ciidamadeeda Ciraaq kala bixini saddex maalmood gudahood. Waa markii ugu horeysey oo iska hor imaatinyada Ciraaq ka socda dartood loo isticmaalo afduub la xiriira siyaasad.